Thursday, 13 December 2007

JAB XOOGLEH OO LOO GEYSTEY CIIDAMADA CADAWGA

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan in dagaalladii ilaa maanta duhurkii illaa caawa ka socdey Muqdisho loogu gaystey qasaare aad u culus ciidamada soo duuley iyo kuwa taageeraya. Waxana lasoo sheegayaa in xero ka mid ah xeryaha cadawga lagu asqaysiiyey hoobiyayaal illaa sharqan dambe laga maqli waayey. Waxana la arkayey gaadiid uu dhiiggu ka tifiq leeyahay oo xeryahaas marba mid uu ka soo baxayo.

No comments: