Maantay, dadweyne fara badan ayaa kala garan la'aa inay dabaal degaan iyo inay ka murugoodaan boobkii iyo bililiqadii ciidamada Itoobiya ay u gaysteen Guryahoodii, bakhaaradoodii, dukaamadoodii, maqaayadahoodii iyo goob kasta oo wax qiimo lihi yaalleen.
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ka guurey Wadada 30-ka iyo Warshadaha, Bakaaraha illaa Cali Kamiin, kadib muudo 30 cisho ka badan oo ay halkaa fadhiyeen. Bililiqada iyo Boobka waxaa wehliyey xasuuq, kufsi iyo jirdil ay dadka kula kaceen. Xitaa Masjidka Salaama falal dulleyn ah ayey kula kaceen ALLAJA DULLEEYO.
No comments:
Post a Comment