Thursday, 13 December 2007
JAB XOOGLEH OO LOO GEYSTEY CIIDAMADA CADAWGA
Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan in dagaalladii ilaa maanta duhurkii illaa caawa ka socdey Muqdisho loogu gaystey qasaare aad u culus ciidamada soo duuley iyo kuwa taageeraya. Waxana lasoo sheegayaa in xero ka mid ah xeryaha cadawga lagu asqaysiiyey hoobiyayaal illaa sharqan dambe laga maqli waayey. Waxana la arkayey gaadiid uu dhiiggu ka tifiq leeyahay oo xeryahaas marba mid uu ka soo baxayo.
Wednesday, 12 December 2007
Tuesday, 11 December 2007
Catawgii Gacmadhere & C/Qaybdiid
Maantay Xeradii hore ee Gaadiidka waxaa ku kulmey Xubno sar sare oo ka tirsan dawladda Imbaghatti sida Gacmadhere, Maxamed Cali Xersi, C/qaybdiid, Maxamed Dhere iyo Gen. Gabre. waxaana raggii goobta ka hadley ay u muuqdeen inay warbixin siinayaan Jananka Itoobiyaanka. Waxaa ay qirteen in markii dalka loo qabtey ay weli gacanta ku dhigi la'yihiin
Saturday, 8 December 2007
ORODKII GEEDDI EE GOOR GABALKU DHACAY
CADDOW UUL INUU ABAARTANA CADDIIN CUNO AARANKANACAANO CABO KITAABKA KUMATAAL.
Waxaa jirta sheeko aad looga yaqaan oo caan ka ah degaanka Ceel-dheer, Ceel-Buur illaa dhulka Xarardheere iyo Hobyo isku xira, oo dhex martey laba nin oo reer Miyi xoolo dhaqato ah ahaa. Labada nin oo deris ahaa balse laba beelood kala ahaa waxaa midkood la dhihi jirey Caddow-uul. Halkaan kasii Akhriso.

Muqdisho
Maantay, dadweyne fara badan ayaa kala garan la'aa inay dabaal degaan iyo inay ka murugoodaan boobkii iyo bililiqadii ciidamada Itoobiya ay u gaysteen Guryahoodii, bakhaaradoodii, dukaamadoodii, maqaayadahoodii iyo goob kasta oo wax qiimo lihi yaalleen.
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ka guurey Wadada 30-ka iyo Warshadaha, Bakaaraha illaa Cali Kamiin, kadib muudo 30 cisho ka badan oo ay halkaa fadhiyeen. Bililiqada iyo Boobka waxaa wehliyey xasuuq, kufsi iyo jirdil ay dadka kula kaceen. Xitaa Masjidka Salaama falal dulleyn ah ayey kula kaceen ALLAJA DULLEEYO.

Subscribe to:
Posts (Atom)