Ali Samatar Waa Taliyihii hore ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka Soomaaliya, waxaana uu muddo dheer ahaa ninka ugu awoodda badnaa, Siyaad Barre xukuumaddii ciidamada ee 21-ka sano ka talinaysey dalka Soomaaliya.
Gen. Maxamed Cali Samater waxaa dacwad ku soo oogey laba nin oo ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxana ay maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay markii ugu horrreysey ogolaatey in Gen. Samatar dacwad rasmi ah lagu soo oogi karo, iyadoo hore dalka Mareykanka aysan ka jirin in sharci fasaxaya in si gaar ah dacwad logu soo oogo shaqsiyaad loo haysto inay dal kale ka gaysteen dembiyo dagaal. Siyaasiyiinta ama shaqsiyaadka loo haysto dembiyada dagaal sida Samatar oo kale waxaa dacwadahooda lagu qaadi jirey Maxkamado gaar ah sida Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada (International Criminal Court) Ama maxkamado loo abuurey dhegeysiga dacwado gaar ah sida Maxkamada dembiyadii ka dhacay Ruwanda iyo kuwii Siralyoon.
Dacwadda Gen. Samatar ayaa la rumaysan yahay inay wax ka tari karto isla xisaabtanka iyo waxka qabashada dembiyada dagaal ee sida joogtada ah looga gaysto Soomaaliya iyadoona aan cidna loo raacan.
Thursday, 9 September 2010
Subscribe to:
Posts (Atom)